Al-Shabaab oo bilaabay in ay la wareegaan Goobihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya

Wariye Katirsan Al-Jazeera ayaa soo Bandhigay Sawiro uu ka soo Qaaday deegaano Katirsan Gobolada Bakool iyo Hiiraan oo ka kala tirsan Koonfurta Iyo Bartahama Dhulka Somalia.

Al-Shabaab ayaa Tababaro ku sameeynaya Qaar Kamid ah Goobihii Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen kuwaasi oo Lagu arkayay Boqolaal katirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sarakiil sare sare uu kamid yahay Afhayeenka Al-Shabaab Ayaa ka soo muuqday sawiradaasi kuwaasi oo u qudbeeynaya Al-Shabaabka ee la wareegay Deegaanadaasi.

Deegaanadaasi ayaa waxaa Tababar loogu sameeyay Dhalinyaro katirsan Al-Shabaab oo ku biiray Kooxdaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa isga Baxayay baryihii ugu dambeeysay Deegaano Katirsan Koonfurta iyo Bartamaha Dhulka Somalia.

Hoos ka daawo Sawirada.

1 2-1 3 4 5 6-1 7 8 10 12 13 14

15

PUNTLAND POST