Micheal Keating oo Gaalkacyo ku wajahan

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Miceal Keating ayaa Maanta ku wajan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Micheal Keating ayaa waxa uu goobjoog ka noqon doonaa wadahadalada ay yeelanayaan Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Guuleed.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku gaaraan Madaxda Galmudug iyo Puntland oo colaad u dhaxeeysay.

Sidoo kale waxaa Magaalada Gaalkacyo gaaraya Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Dhinacyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kala saxiixanaya heshiis lagu dhameeynayo colaada soo laa laabtay ee Magaalada Gaalkacyo.

Faah Faahinta kala soco Puntland Post Insha allah.

PUNTLAND POST