Gaas iyo Guuleed oo Gaalkacyo ku kulmaya Goordhow

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow ay kulan ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Kulankaas oo ah mid si toos ah ay madaxdu isku arkayaan ayaa waxaa looga hadlayaa colaada Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo xalin lahaa.

Labada madaxweyne ayaa hadda waxa ay ku suganyihiin dhinacyada Woqooyiga ee koonfurta Magaalada Galkacyo halkaasi oo ay kulamo xalay kula qaadanayaan Waxgaradka iyo Masuuliyiinta labada dhinac.

Kulankaan ayaa labada Madaxweyne heshiis ku gaari doonaan oo ah dhameeynta colaadaasi iyo sidii aanay dib ugu soo laaban laheyn.

Dagaalo soo laa laabtay ayaa magaalada Gaalkacyo ku dhexmarayay dhinacyada Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo geeystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Faah Faahinta Dib Kala soco Puntland Post Insha allah .

PUNTLAND POST