Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dagaalkaasi islamarkaasina la jabiyo heshiiskii uu sheegay in ay goobjooga ka ahaayeen oo ka dhacay Abu Dubai.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku Baaqay in si Deg Deg ah dagaalkaasi loo joojiyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudugna ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalkaasi.

“Waxaan ka xumahay in heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka ay fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland,waxaa wax laga xumaado ah in lagu dul dagaalamo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shalay Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dhacay dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho