Faah Faahin Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo Baxay Qarax Ismiidaamin Ah oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Qaraxani Ayaa ahaa qarax loo adeegsaday gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Ciidamo katirsan kuwo Amniga lagula eegtay wadada Sayidka oo ku dhow Madaxtooyada Somalia.

Qaraxa ayaa waxaa ku Dhintay in ka badan 5 Askari oo katirsan Ciidamada Dowlada Somalia oo xiligaasi Sugayay Amaanka.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in aanay Waxba saameeyn ah ku yeelan Doonin Qaraxaais iyaga oo sheegay in ay sii wadi Doonaan sugida amaanka Muqdisho.

Qaraxani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili Ay Soo Dhowdahay Doorashada Madaxtinimo ee Somalia islamarkaasina Ciidamado Dheeraad ah Lagu arkayo wadooyinka Muqdisho

Hoos ka daawo Sawirada.

qarax-1 qarax-1 qarax-2 qarax-3 qarax-4 qarax-5qarax-3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho