Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka la taabacsan Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii labada ciidan ee isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo mar kaliya saaka ay isku bilaabeen rasaas xoogan iyo Madaafiic culus.
Ilaa iyo hada lama oga khasaara dhabta ee ka dhashay dagaalka ka socda Gaalkacyo, madaama uu dagaalku wali socdo.
Puntland iyo Galmudug ayaa 2 November heshiis ku gaaray Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, hayeeshe heshiiskaasi ayaa u muuqda mid fashilmay.
PUNTLAND POST