Wararka ka imaaanaya degmada b/xaawo ee gobolka gedo ayaa ku waramaya in maanta xiisad ay ka jirto qeybo kamid ah gudaha degmada b/xaawo ee gobolka gedo
Nabadoon idirs aadan nuur oo kamid ah Waxagardka ku nool degmada Ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada Kenya islamarkaana wato gadiidka wax burburiyo ay gudaha u soo galeen degmada iyagoo doonaya in meelo kamid ah degmada ay bur burin ku sameeyeen si Kenya ay u hir geliso darbiga ay dooneyso in ay dhisto.
Nabadoonaka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xadka ay ka soo gudubtay dowlada Kenya islamarkana ay ciidamada Kenya saakay soo galeen xaafado katirsan degamda b/xaawo.
Dhinac kale nabadoonka ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyaro is abaabushay islamarkaana beelo kala duwan ka soo jeedo ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamada Kenya ee doonayay saakay in ay burburiyaan xaafado ka tirsan degmada b/xaawo ee gobolka gedo.
Waxaa degmada balad-xaawo maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka amniga maamulka jubaland waxana la sheegay in wasiirka uu doonayay in dhalinyaro hub u qaadatay cidamada Kenya uu qanciyo balse waxaa jiro warar sheegaya in dhalinyarada hubeysan ay diideen wada hadal uu u soo jeediyay wasiirka amniga jubaland.
Dowlada Kenya ayaa dhawaan dib u bilowday dhismaha derbi ay sheegtay in ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto soomaaliya.
PUNTLAND POST