Madaxweynaha Dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa heshiis hordhac ah waxa ay ku gaareen Magaalada Dubai ee xarunta Dalka Imaaraadka Carabta.
Heshiiskaan ayaa Waxa uu ka koobnayahay ilaa 5 Qodob oo labada Masuul ay isku raaceen Waxaana garwadeen ka ahaa madaxda dhamaan Maamul Goboleedyada Dalka.
Qodobada Heshiiska ayaa waxaa ku jirtay in 20-ka Bishaan labadaasi Masuul ay isugu tagi doonaan Magaalada Kismaayo si heshiiskaasi loo sii dhameeystiro.
Hoos ka aqriso War-Murtiyeedka heshiiska.

PUNTLAND POST