Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bariire ee degmada Awdhiigle ay duuqeeyeen diyaarado dagaal oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay.
Wariye Cumar Wardoon oo ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo waramaya in xalay saqdii dhexe deegaankaas laga maqlay duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal, waxaana la xaqiijiyay in goobaha la duqeeyay ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay tuulooyinka hoos yimaada deeganka Bariire ee degmada awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa sidoo kale aan jirin war kasoo Pantegon-ka Mareykanka oo lagu xaqiijinaayo in diyaaradaha mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen deegaankaas.
PUNTlAND POST