Ciidamada dowladda Ciraaq oo ay xoojinayaan xoogaga Isbaheysiga oo dagaal xoog badan kula jiray kooxda Daashish ayay u suurta gashay in ay gudaha u galaan xaafado ka mid ah Magaalada Moosil tan iyo markii Daacish qabsaday sanadkii 2014.
Ciidamada xulafada ah ayaa dagaal aad u xoog badnaa oo shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Moosil ku yaalla ay usuurta gashay in ay qabsadaan xarunta Telefishinka qaranka iyo xaruma kale.
Ururka Daacish ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya difaac ama gabaad oo kale, sida uu sheegayo Ravina Shadasani, oo ah Afhayeenka arrimaha xuquuqda aadanaha ee UN-ka.
Ciidamada xulafada ah waxa ay jebinayaan go’doominta Magaalada ayagoo wajahaya dagaal guri-guri ah.