Diyaar-garowga Amniga Doorashada oo Muqdisho laga Dareemayo

PP-Muqdisho: Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen sugida Amniga Doorashada oo lagu wado in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya dhamaadka Bishaan.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ku hoowlanyihiin diyaargaroowga Amniga Doorashada Dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ay xiri doonaan qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho si looga baaqsado dhiabaatooyin iyo falal Amni daro oo dhaca inta lagu guda jiro xiliga Doorashada Dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u dul qaataan wadooyinkaasi la xirayo oo laga yaabo in dadka ay Saameeyn ku yeeshaan.

“Arimaha Doorashooyinka, guud ahaan dalka gaar ahaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, waxaan ugu baaqayaa inay nagala shaqeeyaan arimaha amniga iyo sida Doorashooyinka ku hirgeli lahaayeen, gaar ahaan waxaan ugu baaqeynaa inay noo samraan, samirka ayaa wax kasta ka weyn, sababta waxa ay tahay waxaa dhici karta jidad gaar ah oo amniga doorashooyinka lagu sugaayo inaan u baahano inaan xirno,”Ayuu Yiri Taliyaha.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargaroow balaaran oo dhanka Doorashada ah.

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho