Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dawladda Puntland ayaa manta tababar u furtay madax qaybeedyada Qiimaynta iyo Dabagalka (Monitoring & Evaluation) iyo Madaxqaybeedka siyaasadda Qorshaynta iyo Siyaasadda(Policy Planning & Research) ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee ka faa’iidaysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu bangiga adduunku maal-gelinayo.
Ujeedada tababarkaan ayaa salka ku haysey sidii shaqaalaha cusub loo bari lahaa shuruucaha ay dawladdu ku shaqayso ee la xiriira waajibaadka shaqaalaha iyo xuquuqohooda iyo sidoo kale sidii ay shaqaalahaani u dardargelin lahaayeen shaqooyinka baaxadda leh ee horyaalla.
Munaasabadda tababarka oo ay kasoo qayb galeen agaasimayaal ka tirsan dhammaan xarumaha ay shaqaalahaani ka hawl-geli doonaaan kuwaas oo hadallo dar-daaran u badan u joodiyey shaqaalahaan cusub ee la qaatay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha qaybta dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu arko dhallinyaro tiro badan oo aqoon yahan ah kuwaas oo lagu soo xushay aqoontooda, isla markaana uu u rajeynayo in ay isbeddel ka muujin doonaan xarumaha ay ka hawlgeli doonaan.
Jibriil Maxamed Saalax Oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha qaybta shaqada iyo shaqaalaha ayaa kula dardaarmay shaqaalahaan cusub in ay sida loogu soo xushay aqoontooda ay uga dhabeeyaan waajibaadka qaran ee looga baahan yahay.
Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Shire Ismaaciil ayaa xusay in barnaamijkaan tayaynta iyo shaqo qoristu uu ka mid yahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa dib u habaynta shaqaalaha isla markaana ay dawladdu ka dhabaysay ballanqaadkeedii.
Sidoo kale waxa uu wasiirku ka ku dhiirri geliyey madax qaybeedyadaan cusub in ay noqdaan kuwo xil weyn iska saaraan waajibaadka loo igmaday, aynu noqdaan kuwo beddela wejigii hore ee xarumahaasi ay ka hawlgeli doonaan maadaama ay yihiin kuwo ku yimi aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.
Tababarkaan ayaa socon doona muddo lix maalmood ah waxaan la qorshaynayaa in uu shaqaalaha ka caawin doono habkii ay ula shaqayn lahaayeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala xarumaha ay tegi doonaan.














