Ciidamada Ethopia oo Ka Baxay Tayeeglow iyo Al-Shabaab oo la Wareegay

Ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaa goordhaweyd la wareegay gacan ku heynta degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool xili Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Ethopia ay ka baxeen saakay aroortii.

Boqolaal katirsan Ciidamada Al-shabaab  oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa goordhaweyd gudaha u galay degmada Tiyoglow ee Gobolka Bakool, waxayna durbadiiba ay la wareegeen xarumaha degmada.

Dadkii ku noolaa degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa xalay ilaa saakay isaga baxay degmadaas cabsi ay ka qabaan in uu dagaal halkaas ka dhaco.

PUNTLAND POST