Dowlada Somalia oo Wada hadal la furtay Siyaasiinta Somaliand

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsan Baarlamaanka Waqtigiisu Dhamaaday  ayaa Sheegay in ay Wada Hadalo ay u Bilowdeen Dowldda Dhexe iyo Siyaasiyiinta ka Soojeeda DeegaanadaSoomaaliland.

Wadahadaladaan ayaa  diirada lagu saarayo Xalinta Waxyaabaha ay Doorashooyinka soo Socda ay ka  tabanayaan Bulshada Gobalada Waqooyi.

Xildhibaan Boqore ayaa Rajo ka Muujiyey in la soo afjaro khilaafka ka taagan qaabka loo qeybiyey Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay yeelanayso Dhamaadka Sanadkaan isla-markaana  xal waara laga gaaro Tabashooyinka ay qabaan Qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Deegaanada Soomaaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku baaqay in la dadajiyo Xalinta Gadoodka Siyaasiyiinta Deegaanada Soomaaliland ee ku aadan saami qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare asagoona Xusay in Shir Madasha Wada Tahshiga qaranka lagu soo hadal qaadi doono arimaha Soomaaliland.

PUNTLAND POST