Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxda iyo Baarlamaanada Dowladda Gobolleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya ku doorteen .
“Waxaan marka hore ugu hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanada Dowlad Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug doorashooyinkii ay ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ammaan iyo mahad celin naga mudan Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanada xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.ee matali lahaa dowlad gobolleed walba” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh cusub “waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanada dowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley
—–Dhammaad–
PUNTLAND POST

Haddii DF, Mr Culusow aysan joojin, maleeshiyaadka Cadawgaa, ee amarka ka qaadan Mr Culusow iyo Cadaado oo dagaalada soo celcelinaya dhibaatadana ku haya shacabka Puntland ee Galkacyo Mudug. Haddii aan la joojin Qaybdiid iyo Maleeshiyaadkiisa, oo kama dambaysa looga harin, Galkacyo Mudug, Somalia waxay marlabaad soo Celin Dagaalkii udhexeeyey. Waa digniin cidii Somalia doomaysaay.
Haddii colaada cadawgu kuhayo Galkacyo Mudug aan la ga dulqaadin, hoog iyo halaag ayaa udambay Dawlad Somaliyeed, oo Magaalooyinka Somalia Colaad abaada ayey ku noolaan, runta, runta Mr Culusow iyo Hawiyihiisu wax xaq ah abayaraatee uma laha inay Galkacyo iyo shacabkeeda Colaad galiyaan.
Hadaan Galkacyo Mudug dhibaatadeeda Hawiye ka bixin oo ka dheeraan , Dawlad Somaliya majiridoonto. Arin Galkacyo Xamar lama gaynkaro.
Kabaxa colaada Puntland Galkacyo Mudug.
Waxaan waydiisanaynaa, Mr Culusow Qaybdiid, iyo Cadaado, inay bixiyaan khasaaraha shacabka Galkacyo iyo Ciidamada Puntland loogaystay, ilaa waqtigii ay bilaabeen Colaada Galkacyo Mudug.
Waxaan Shacabka Somaliya ogaysiin, Calaada Qaybdiid, Cadaado, Mr Culusow, Oo Dawladii Federalka madaxda u ahaa haddii aan la joojin, shacabka iyo ciidamadii daafacayey khasaarihii loo gaystay na aan la bixin, in Somalia Mar labaad dagaal xun oo dheer ugalin.
Qofna xaq uma laha inuu xabad kusoo rido Galkacyo Mudug,
Qofna xaq uma laha Cadawada iyo dilka dadkayaga, Mr Culusow wuxuu horseed iyo wacyi galin Colaadeed u noqday Qaybdiid iyo Cadaado xad gudubkooda.
Ciidamada Danab waxay ahaayeen ilaalo Cadaw, maahayn Ciidan Somaliyeed, waxay horseed iyo ilaalo uahaayeen burburkii Dawlada Hoose iyo Suuqa Galkacyo Mudug, weerarkaas oo lagu Xasuuqay dad aan Cidna wax ka qabin.
Waxaan Somalia ka baryin inay Arintaas kula mxisaab tamaan, Mr Culusow, Qaybdiid iyo Cadaado oo si toosa xasuuqaas ugalay.