War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethopia ayaa lagu sheegay in heshiis cusub la kala dhex dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo isku haysta gacan ku heynta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Heshiiskan la kala dhex dhigay Labada Maamul ayaa waxaa uu dhigayaa in Puntland iyo Galmudug inay hirgeliyaan xabad joojin , kana fogaadaan ficilo kasta oo xasaasiyad abuuri kara, colaadna kicin kara.
Waxaa heshiiska qeyb ka ah in la joojiyo dhismaha Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka hirgelineyso Gaalkacyo, in dib garoonka diyaaradaha ay maamusho Galmudug uu dib u bilaabo howshiisa, in la abuuro Guddi heer wasiiro oo labada dhinac ah, kuwaasoo wada hadalada ka sii ambaqaadaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka yihiin Hoggaamiyeyaasha Qaran ee Madasha wada-tashiga.
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo siyaabooyin kala duwan ugu hadlay arintaan ayaa wada beeniyay in ay jiraan heshiiyo dhex maray labada maamul oo ku aadan in la xaliyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Bishii December ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay heshiis kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug, balse bishaan gudaheeda ayuu burburay heshiiskii, kadib markii Ciidamo Mareykan ah oo ay la socdeen Ciidamada PIS-ta Puntland weerar cirka ah ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, Galmudugna ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen Ciidamadooda.
PUNTLAND POST

Waa nasiib xumo, haddii puntland ay mardambe horfariisato cadawga Colaada Galkacyo Soo abaabulay.
GalMudug Calaad ay soo abaabushsy iyo isku dardar dal aysan shuqul ku lahayn, ma cid Baraxley Hawiye ku haysata miyaa jirta.
Maxaa keenay damaca beentaa ee Hawiye, maxaa Puntland ula xaajoon, dad cadaw ah.
Maxaa galiyey ka hadalka Galkacyo Mudug, Puntland waa in asayn marna ogolaan arimo iyo dano cadaw kaleeyahay dalkeeda.

Dagaalku Galkacyo Mudug wuxuu noqon dagaal 2 aad ee Somalia,
Haddii Cadawgu joojin Waayo isku dayga iyo isku darka dalka iyo arimaha puntland.