Madaxweynaha Hir Shabelle oo La doortay

War Deg Deg Ah oo Hadda Naga soo Gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Cali cabdulaahi Cosoble uu ku Guuleeystay Madaxweynaha Maamulka Hir Shabelle.

Cosoble ayaa Ah Siyaasi ka soo jeedo Gobolka Hiiraan Ee Bartamaha Dhulka Soomaaliya waxaana uu helay 61 Cod.

Waxaa si aad ah ula tartamayay Maxamed Cabdi Awaare oo helay 36-Cod .

Sidaas darteed Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ku guuleeystay Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka Hirshabelle Ee Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

PUNTLAND POST