Doorashada madaxweynaha Hir Shabelle oo Jowhar ka dhaceysa

Waxaa lagu wadaa in goordhow Magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir Shabelle.

Doorashada xilkaan ayaa waxaa ku tartamaya ilaa 3 Musharx oo ka soo jeeda Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo kala ah.

1-Maxamed Cabdi Waare
2-Cali Cabdulaahi Cosoble
3- Cali Maxamed Carraale.

Waxaa xilkaan si weeyn loogu saadaalinayaa Cali Cabdulaahi Cosoble Inkastoo tartan Culus uu kala kulmaya Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa Goobta Doorashada ay ka dhaceeyso ku Sugan Madax badan oo ka socoto Dowlada Soomaaliya oo Munaasabada doorashada Goobjoog ka noqon doono.

Sidoo kale waxaa iyana dhaceysa Maanta Doorashada Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Hir Shabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa isna loo saadilanayaa Jagadaasi Cali Guudlaawe oo ah Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo xilkaasi isku soo sharaxay.

PUNTLAND POST