PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Cabdi Qeybdiid oo ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee baarlaamanka Soomaaliya

Share

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Galmudug u matala Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka kaga soo aadey beeshiisa kadib markii shaqsigii la tartamayey Cabdi Qeybdiid uu ku dhowaaqay inuu tanaasulay, waxaana Qeybdiid dood la’aan, muran la’aan iyo sidoo kale waqti lumis dhammaaday uu u helay codka kursiga.

Dhanka kale Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa isna ku guuleystay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib tartan uu la galay musharax kale oo ay xilkaas u tartamaayay.

Galmudug ayaa noqonaysa Maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Waxaan ku la talinlahaa shacabka Puntland inay joojiyaan oo hakad galiyaan doorashooyinka.
    In Puntland laga sameeyo banaan baxyo looga soo horjeedo musaacidada beesha Caalamku ay siiyaan DF beentaa, tasoo sabab unoqotay weeraro isdaba jooga oo culus loo adeegsaday oo lagu qaaday puntland -Galkacyo.
    In mudaaharaadku uu socdo ilaa beesha Caalamku ay gowso ciriirkakeeda is musaacidada DF beenta. Puntland kasaacido say Hubka Culus uga daafici lahayd dadkeeda iyo dhulkeeda.
    Arintaan Galkacyo Mudug waa arin Cadaw aan dalka kaliya ku koobnayn kasoo shaqeeyey oo khatar ku ah jiritaanka Puntland iyo Somalia oo dhan, maaha arin layaraysto.
    Waxaan ubaahanay dhaqdhaqaaq Shacab oo arintaan usoo baxa.
    Galkacyo magali karto banaanbaxyo, khatartii cadawga Wali aad bay uwayn tahay.
    Waxaa laga yaabaa in Ciidanka qabiilka ee DF ay kusoo biiraan Duulaanka Cadawga.

Leave a Reply