Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland si rasmi ah u furtay dacwada dhagaysi furan ah oo ay ku dhagaysanayso kiiska xadaynta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya
Dhageysig dacwaddan oo socon doonto muddo 4 maalmood ah, waxay maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay dawladda Kenya ka qabto dacwadda.
Halka berito ay maxkamddu dhageysan doonto waxay ay Soomaaliya ka qabto iyo cadeynaha ay horgeynayso maxkamadda Hague ee la xiriira muranka badda.
Kenya ayaa ku doodaysa in maxkamaddan caalamiga ah aysan sharci u lahayn inay dhagaysato dacwadda muranka badda, waxayna ku talisay in labada dal kawada xaajoodaan muranka dhaxdooda ah.
Halka Soomaaliya ay dhankeeda ku doodeyso in aysan wax wadahadl ah ka galeyn soodinta Badda Soomaaliya Kenya ayna ku qancaysan tahay go’aan ka Maxkamada Caalamiga ah gaarto.
Soomaaliya ioy Kenya ayaa waxaa maxkamada ku matalayay sharci yaqaano shisheeye ah oo aan labada dal mid ahayn.














PUNTLAND POST