Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goordhow Gaaraya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Diyaaradii Siday Madaxweynaha Somalia ayaa hadda Ka dagatay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa furi Doono Wajiga labaad ee Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe .
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Goobjoog ka noqon Doono Soo Bandhigista Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Amaanka Guud ee Magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay Waxaana La Xanibay isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka Ee Magaalada jowhar.
PUNTLAND POST