Wariye C/Casiis Afrika oo Caawa Muqdisho ku Dhaawacmay

Ciidamo kawada tirsan dowladda soomaaliya ayaa kuwada dagaalamay degmadda boondheere  Ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadaan Ayaa waxa ay Ahaayeen Ciidamo ka kala tirsan Boolis iyo Milatari .

Waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay  sida wararka ay sheegayaan wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo katirsan Warbaahinta Dowlada Somalia  .

Qasaarooyin kala duwan Ayaa soo Kala Gaaray Dhinacyada Dagaalamay oo isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac .

Xaaladda ayaa hadda dagan goobta dagaalkaasi uu ka dhacay  Waxaana Gaaray Ciidamo Aad u farabadan oo katirsan kuwa Dowlada Somalia

PUNTLAND POST MUQDISHO