Waxaa Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia Goordhow ka Furmay Shirkii Madaxda IGAD oo Markii ugu horeeysay ka Furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo Ay ka soo Qeeybgaleen inta badan badan Madaxda Afrika Waxaana ka qeeybgalaya madaxweynayaasha dalalka Kenya, Uganda iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha loo martida yahay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Shirka Ayaa waxaa ku sugan ergo metelaysa dalalka Sudan, Djibouti iyo Koonfur Sudan.
Shirkaan oo Ah Mid Hal Maalin Qaadanaya ayaa waxaa looga hadlayaa Arimo kala duwan oo Qaarada Afrika quseeya Sida Somalia iyo South Sudan.
Shirkaan Ayaa lagu Wadaa in Goordhow la soo Gaba Gabeeyo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho