Warar lagu kalsoonaan karo oo Ay Puntland Post heshay ayaa waxa ay Sheegayaan in kulan Saacado qaatay oo Ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud La isugu Afgaraty in Dib loo Fasaxo Diyaaradihi Qaadka ee ka imaan jiray Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Madaxweynaha Kenya ka aqbalay codsi ahaa in Dowlada Somalia ay xayiraada ka qaado Qaadka Kenya.
Malinta bari ah tarikhduna ku beegan tahay 14-ka bisha waxa la filaya in dulimadyad yadii qadka keeni jiray somaliya ay dib u bilowdaan.
Dowlada Somalia Ayaa labo isbuuc ka hor ku Dhawaaqday in si KMG ah loojoojiyay Duulimaadyadii Qaadka Ee Somalia Tilaabadaasi oo noqotay mid dhaqan gasha koonfurta somalia.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho