Ciyaar xiiso badan oo galabta dhex mari doonta kooxaha Banaaadir iyo Jubbaland

Ciyaarta galabtaMuqdisho(Puntland Post) Galabta waxaa garoonka kubadda cagta Koonis ciyaar xiiso badan oo qayb ka ah afar dhammaadka koobka ku dhexmari doontaa kooxaha matalaya Banaadir iyo Jubbaland.

Ciyaartan oo xiiso gooniya wada-ta ayaa kooxdii badisaa galabta waxay iska xaadirin doontaa Fiinaalaha koobkan oo loo qabtay mamaulada dalka,waxaana hadda socda diyaar garowga ay taageerayaasha labada dhinac samaynayaan.

Kooxda Banaadir ayaa guruubka koowaad kaga soo baxday afar dhibcood iyo shan gool, halka Jubbalandna ay kusoo baxday saddex dhibcood iyo hal gool.

Hoggaamiyaasha labada kooxood ayaa mid kasta dhankiisa ku goodinayaa inuu galabta ku awood sarayn karo ciyaarta, waxaana jira xifaaltan kubadeed oo labada kooxood ka dhaxeeya.

Beri oo sabti ahna waxaa madaxa isla galaya kooxda Puntland iyo Hiiraan/Shabeela dhexe, ciyaartaasina waxaa lagu tilmaamay mid kale oo xiiso leh.

Dadka falanqeeya arrimaha ciyaaraha dalka ayaa u badiyay in koobkan dhammaadkiisa iskugu imaan doonaan kooxaha matalaya Banaadir iyo Puntland.

PUNTLAND POST