Kooxda Galmudug oo laga reebay koobka mamulada dalka ee ka socda Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post) Kooxda matalaysey Mamulka Gal-mudug ayaa ka hartay koobka mamulada dalka oo ka socda magalada Muqdisho, kaddib markii galabta hal iyo eber uga adkaatey kooxda Hiiraan/Shabbeelaha dhexe matalaysey.

Labadaan kooxood ayaa ku wada jiray guruubka labaad, waxaana galabta sama-fiinaalaha usoo baxay kooxaha Puntland,Banaadir,Jubbaland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe.

Ciyaarta galabta ayaa ahayd mid aad uxiiso baddan, waxaana usoo daawasho tagay masuuliyiin kala duwan oo ka socdey Galmudug,Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo weliba boqolaal taageerayaal labada dhinac u sacaba tumayay.

Markey ciyaartu soo dhammaatay ayay labada kooxoodba u sheegeen saxaafada iney ku faraxsan yihiin wixii galabta dhacay, waxa kale ay sheegen sababta loo yimi halkan ay tahay guul iyo guuldarro ayna koox un raaci lahayd.

Waxaa madaxa isla galaya maalmaha soo socda kooxdaha Banaadir iyo Jubbaland, Puntland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, kuwaasoo isagu soo haray koobka, berri oo khamiis ah ayaa la nasanayaa wixii ka danbeeyay waxaa la isku diyaarinayaa ciyaaraha harsan.

Masuuliyiinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay iney tahay ahmiyada koowaad ee koobkan sidii dhalintu isku dhex gali lahaayeen isla markasna loo sii xoojin lahaa xirfada kubadda cagta.
0J1A1059

0J1A1053

0J1A1035

0J1A1031

0J1A1024

0J1A0987

0J1A1005

0J1A1017

0J1A1021

0J1A0974

0J1A0971

0J1A0957

0J1A0955

0J1A0947

0J1A0908

0J1A0906

0J1A0904

0J1A0900

0J1A0888

0J1A0878

0J1A0871

0J1A0868

0J1A0867

0J1A0863

0J1A0859

0J1A0856

0J1A0852

0J1A0845

0J1A0838

0J1A0829

0J1A0819

0J1A0790

0J1A0788

0J1A0779

0J1A0747

0J1A0758

0J1A0766

0J1A0768

0J1A0775

0J1A0738

0J1A0735

0J1A0731

0J1A0725

0J1A0715
PUNTLAND POST