Xulalka Puntland iyo Banaadir oo bar bar dhac galay galabta

Muqdisho(Puntland Post) Magalada Muqdisho waxaa ka socda weli koobka mamulada dalka oo ay marti galisay Gobalka Banaadir, galabta oo Tallaado ah waxaa wada dheelay xulal matalayay Banaadir iyo Puntland oo ka wada jira guruubka koowaad.

Ciyaarta labadan xul ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, waxaa usoo daawasho boqolaal dadwayne ah oo labada kooxood kala taageersanaa, sidoo kale madax ka tirsan dowladda ayaa goobjoog ahayd.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh, balse waxay u muuqatay inay isku awood yihiin marka loo eego sida ay weerarka isagu qaadayeen, ciyaarta ayaa ugu danbeyntii kusoo idlaatay bar bar dhac labo iyo labo ah, waxaana guruubka kaalinta koowaad goolal kusoo baxay Gobalka Banaadir halka kaalinta labaadna uu kusoo baxay Puntland, guruubkaasi waxaa ka haray xulka Koonfur Galbeed oo labadiisii ciyaarood laga adkaadey.

Labadaan xul ayaa sugaya xulalka kasoo baxa guruubka labaad oo ay ku wada jiraan Jubbalabd, Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, beri waxaa wada ciyaaraha Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, ciyaartaasoo la sugayo cida guulaysata, Jubbaland oo ciyaar laga badiyay ayaa leh saddex dhibcood halka Hiiraan/Shabeelaha dhexena ay lee dahay saddex dhibcood.

Wasiirka Ciyaaraha DFS Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa sheegay ciyaarahan inay kor u qaadayaan xiriirka dhalinyarada dalka iyo isbarashada, waxa kale uu sheegay inay rajeynayaan in koobkan si guul ah kusoo dhammaado.
0J1A0012

0J1A0019

0J1A0031

0J1A0033

0J1A0040

0J1A0049

0J1A0052

0J1A0060

0J1A0070

0J1A0072

0J1A0076

0J1A0102

0J1A0103

0J1A0110

0J1A0117

0J1A0120

0J1A0139

0J1A0150

0J1A0157

0J1A0169

0J1A0183

0J1A0186

0J1A0187

0J1A0208

0J1A0217

0J1A0228

0J1A0263

0J1A0265

0J1A0296

0J1A0323

0J1A0324

0J1A0334

0J1A0340

0J1A0354

0J1A0388

0J1A0393

0J1A0398

0J1A0407

0J1A0413

0J1A0422

0J1A0451

0J1A0468

0J1A0474

0J1A0478

0J1A0488

0J1A0509

0J1A0513

0J1A0526

0J1A0530

0J1A0532

0J1A0576

0J1A0578

0J1A0585

0J1A0591

0J1A0595

0J1A0598

0J1A0599

PUNTLAND POST