Xulka Jubbaland oo markii ugu horaysay badiyay ciyaaraha ka socda magalada Muqdisho

jubba9Muqdisho(Puntland Post) Waxaa meel wanaagsan maraya koobka mamulada gobaladda dalka oo dhowaan ka furmay magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Galabta waxaa wada ciyaaray xulalka Jubbaland iyo Gal-Mudug oo ka wada tirsan guruubka labaad, ciyaarta labadaasi xul ayaa ahayd mid aad uxiiso badan kasoo qayb galayaashiina ay ku riyaaqeen.

Jubbaland ayaa ciyaartii hore waxaa labo iyo hal uga soo badiyay xulka Hiiraan/Shabeelaha dhexe, balse galabta ayay muujiyeen in ay koobkan baaqi kusii ahaan karaan markey soo bandhigeen ciyaar ka duwan tii ay horay u dheeleen.

Taageerayaal faro baddan oo labada xul la jira ayaa garoonka soo camiray, waxaana muuqatay in dadku ay aad ugu xiiso qabaan in dib loosoo nooleeyo ciyaarihii kala duwanaa ee dalka lagu qaban jiray sida,oraddada, kubada gacanta iyo dabaasha.

Guruubka labaad waxaa min saddex dhibcood leh xulalka Jubbaland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe,halka guruubka koowaadna ay min saddex dhibcood lee yihiin Banaadir iyo Puntland.

Beri galab haddii idmo waxaa wada dheelaya xulalka matalaya Puntland iyo Banaadir, dadka saadaaliya ciyaaraha ayaa ku tilmaamay inay tahay ciyaarta ugu adag ee koobkab, waxayna intaasi sii raaciyeen inay xitaa suurta gal tahay kii badiya inuu koobka qaadi karo.

Mamulka gobalka Banaadir iyo wasaradda ciyaaraha ayaa ku tilmaamay koobkan mid lagu ballaarinayo is-dhexgalka shicibka iyo dhalinyarada, ayna muhiim tahay sii xoojinta ciyaaraha dalka.

Koobkan ayaa u dhaxeeya Banaadir,Puntland,Jubbaland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha.

0J1A9404

0J1A9437

0J1A9440

0J1A9455

0J1A9460

0J1A9473

0J1A9481

0J1A9482

0J1A9488

0J1A9492

0J1A9503

0J1A9506

0J1A9508

0J1A9514

0J1A9519

0J1A9554

0J1A9555

0J1A9586

0J1A9598

0J1A9603

0J1A9612

0J1A9630

0J1A9640

0J1A9654

0J1A9657

0J1A9662

0J1A9691

0J1A9733

0J1A9757

0J1A9777

0J1A9788

0J1A9802

0J1A9816

0J1A9817

0J1A9819

0J1A9819

0J1A9829

0J1A9842

0J1A9873

0J1A9882

0J1A9892

0J1A9902

0J1A9906

0J1A9912

0J1A9924

0J1A9926

0J1A9944

0J1A9947

0J1A9949

0J1A9957

0J1A9961

0J1A9963

0J1A9972

0J1A9984
PUNTLAND POST