Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka kaga qayb galay shirar caalami ah

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa maalmihii u danbeeyey safar isugu jira aqoon kororsi iyo cilmi baaris ku joogey magaalada  Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qaybgalay kulan afartii sannadoodba mar la qabto  ayna isugu yimaadaan kooxo cilmi baadhayaal ah oo daraasad ka sameeya arrimaha dhaqan dhaqaale bulsho iyo siyaasadeed ee dalka Maraykanka.

Kulankaas ayaa ah mid laysugu keeno khuburo ama xeeldheerayaal ka kala socda daafaha caalamka, si ay u qiimeeyaan arrimaha ijtimaaciga ah ee dalkaasi Maraykanku ku talaabsaday, isla markaana waxaa dib u eegis lagu sameeyaa arrimaha  la xiriira xisbiyada siyaasadda iyo hawlaha doorashooyinka guud ee wadanka ka dhici doona sannadka 2016-ka.

Agaasime Deeq Saleebaan Yuusuf wuxuu ka mid yahay labo qof oo laga casumay qaaradda afrika oo ka soo kala jeeda wadamada Koonfur Africa iyo Soomaaliya, kuwaasoo lagu soo xulay aqoonta durugsan iyo fahamka ay u leeyihiin arrimaha maamul wanaagga.

Agaasimuhu intii uu joogay Washington DC  isaga iyo kooxda xeeldheerayaasha ah waxay  booqdeen laguna soo dhoweeyey xarumo dawladeed oo ah xafiisyada ugu qadiimsan wadanka Maraykanka, sida xarumaha labada aqal ee Baarlamaanka waddanka Maraykanka ee congress-ka iyo gurriga odayaasha oo ay la fadhiisteen Waaxda sharci dejinta, sidoo kale xarumahay booqdeen waxaa ka mid ah Xarunta CIA Langley iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Pentagon oo ku yaal Capital hill iyo  Jaamacadda George Mason University, Dugsiga Caalamiga ah ee barashada arrimaha dawladda iyo siyaasadda iyo  xarun weyn oo lagu baaro laguna gorfeeyo arrimaha dawladnimada (center for public integrity.

Kooxdan khuburada ah ee u kuurgelaysa arrimaha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka Maraykanka ayaa arrimaha ay sida dhow u indho indhayn doonaan waxaa ka mid ah, arrimaha dhaqaalaha wadanka iyo saamaynta doorashooyinka, doorka dhaliinyarada iyo saamaynta siyaasadda, saxaafadda iyo arrimaha xisbiyada sida ay u wada shaqeeyaan, axsaabta dhexdooda iyo sida ay u samaystaan arrimaha dhaqaalaha ee xisbiyada dhexdooda iyo saamaynta guud ee doorashada uga imaanaysa adduunka.

Ugu danbayntii, Agaasimaha iyo cilmi baareyaasha kale ee ay wada socdaan waxay ka qaybgelayaan shirweyneyaasha labada xisbi mid walba goonidiisa u qabsanayo kuna go’aaminayo  cidda u metelaysa Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, shirka xisbiga Jamhuuriga ah ee lagu go’aaminayo cidda uga qaybgelaysa tartanka Madaxtinimada waddanka ee dhammaadka sannadkaan ayaa dhacaya 18-21 bishan july, taasoo lagu qabanayo Cleviland OHIO. Halka xisbiga Dimuqraadiguna qabsanayo shirweynihiisa 25-28 bisha July 2016, taasoo ka dhacaysa Philapeiph. Laguna soo magacaabayo labadii qof ee Madaxweynaha u tartami doonta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

13730736_1106483706082697_1274302605_o 13714336_1106483779416023_1134425587_n 13714444_1106497686081299_1071926756_n 13695933_1106483769416024_850687308_n