Cabdiraxmaan Farole oo ka qayb qaadanaya sidii xal looga gaari lahaa arrinta Gallan

Bosaso(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo maanta kasoo deggay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, kaddib mudo ku dhow labo bilood oo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa shir jaraa’id uu qabtey wuxuu kaga hadlay arrimo isaga u gaar ah oo ku saabsan murashaxnimadiisa iyo socdaalkiisii dibadda wixii uga soo qabsoomay.

Murashax Farole ayaa sheegay inuu qayb muuqata ka qaadan doono xalinta xiisadii dhowaan ka dhacday Carmo, taasoo ku saabseyn is hor imaad dhex mari lahaa ciidanka dowladda iyo kuwa uu watay gudoomiyihii hore Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo dhaliishay xukumadda Gaas.

Wuxuu sheegay inuu oday-tinimadiisa ku galayo arrintaasi wixii laga bilaabo beri wuxuuna ku baaqay in mar kasta laga shaqeeyo nabadgalyada iyo deganaashaha dadka.

Odayaasha iyo culimadda Puntland ayaa horay u galay sidii xal muuqda looga gaari lahaa xiisada u dhaxaysa dowladda Gaas iyo Gallan, waxaana lagu balamay bacdal ciid in arrinta Gallan loo fariisto.
large

large1

large2

large3

large4

large5

large6

large7

large8

large9

large10

large11

large12

large13

large14

large15

large16

large18
PUNTLAND POST