Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Mudug

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa maanta 13-July-2016  kulan la qaatay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee gobolka Mudug.

Dhallinyaradii kulanka kasoo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda dhallinyarada Puntland, guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Mudug, xubno kamid ah dhallinyarada wax ka dhiga Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo iyo ardayda wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.

Kulankaan oo dabo joogey kulamo kala duwan oo uu Madaxweynaha dawladda Puntland la qaadanayey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Mudug ayaa  waxaa diiradda lagu saarayey sidii ay dhallinyaradu qayb uga qaadan lahaayeen nabad-gelyada iyo horumarinta gobolka Mudug.

Dhallinyaradaasi ayaa muddadii uu kulanku socdey u soo jeediyey Madaxweynaha talooyin badan oo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa amni darrada kasoo cusboonaatay gobolka Mudug iyo sida ugu wanaagsan ee ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan dedaalladaasi amniga lagu xaqiijinayo, maadaama oo dadka ugu badan ee falalka amni xumo ka geysta gobolka ay yihiin dad dhallin yaro.

Sidoo kale dhallinyaradu waxay ka codsadeen Madaxweynaha in la badiyo fursadaha shaqo ee la siinayo dhallinyarada, lana xoojiyo kaalinta ay dhallinyarada iyo haweenku  ku leeyihiin siyaasadda iyo sidii dhallinyaradu ay  uga qayb qaadan lahaayeen golayaasha kala duwan ee dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hoose.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhallinyaradaasi ku boorriyey in ay qayb ka qaataan dedaaladda lagu horumarinayo bilicda iyo ganacsiga magaalada isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ammaanka ee hawl-gallada kawada magaalada Gaalkacyo si loo xaqiijiyo guud ahaan nabad-gelyada iyo xasilloonida magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladdiisa inteeda badani ay tahay dad dhallinyaro ah isla markaana ay ka duulayso aragtida ah in %70 dadka reer Puntland ay yihiin dad dhallinyaro ah, sidaa awgeedna xoogga la saari doono sidii loo sii dardar-gelin lahaa kaalinta dhallinyarada iyo haweenku ay ku leeyihiin siyaasadda.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay guud ahaan dhallinyarada reer Puntland in ay aaminaan dalkooda oo ka waantoobaan Tahriibka, mukhaadaraadka iyo falalka xagjirnimada ah isla markaana gacan ka geystaan dedaallada lagu horumarinayo dalkooda.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

13646870_1104794246251643_1988093260_o 13681733_1104794282918306_1901640186_o 13692281_1104794522918282_618661661_o 13692341_1104794432918291_498786303_o 13699554_1104794182918316_1049328794_o 13702487_1104794339584967_2069250553_o 13711568_1104794292918305_461731540_o IMG_8129
PUNTLAND POST