Bangiga aduunka oo gaadiid ugu deeqay Wasaaradda deegaanka Puntland

Wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay labo gaari oo ah nuuca la yiraahdo 4WD Hardtop, kuwaas ay ka heleen bangiga aduunka (World Bank)

Gaadiidkaan ayaa loo adeegsandoonaa fulinta mashruuc ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda deegaanka iyo bangiga aduunka, kaasoo lagu magacaabo mashruuca biyo siinta reer guuraaga beeralayda ah ee Puntland.

Wasiir ku xigeenka deegaanka FaaraxCali Cabdi  iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Muno Daahir Dalmar ayaa gaadiidkaan kala wareegay wakiilo ka socday qandaraaslayaashii ku guulaystay inay wasaaradda deegaanka usoo iibiyaan  gaadiidkaan, kadib tartan furan oo loo galay soo iibintooda  horaantii sanadkaan 2016.

Agaasime Muno daahir Dalmar ayaa sheegtay gaadiidkaan inuu ka caawindoono dardar gelinta biyo xareeno loo sameyndoono dadka reer miyiga ee hadana ah beeralay, si ay u helaan meelo biyuhu ugu keyd samaan oo ka caawinaya in ay waraab u helaan beerahooda iyo xoolahooda,

Wasiir ku xigeenka deegaanka Faarax Cali Cabdi ayaa gaadiidkaan uga mahad celiyay bangiga aduunka.

_DSC6786 _DSC6789 _DSC6791 _DSC6795 _DSC6798 _DSC6799 _DSC6801 _DSC6802 _DSC6804 _DSC6808 _DSC6814 _DSC6817 _DSC6820 _DSC6822 _DSC6824 _DSC6825 _DSC6826 _DSC6828 _DSC6831 _DSC6833 _DSC6835 _DSC6836 _DSC6838 _DSC6839 _DSC6841 _DSC6844 _DSC6847 _DSC6848 _DSC6850 _DSC6851 _DSC6852 _DSC6853 _DSC6854 _DSC6856 _DSC6857 _DSC6859 _DSC6860 _DSC6861 _DSC6864