PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Xassan Sheekh oo xeer Madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii hanaanka Doorashada

Share
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Puntland Post) — Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in uu xeer madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii hannaanka doorashada kadib markii ay ku adkaatay in ay baarlamaanku ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanka ay ku adkaatay in ay arintaas go’aan degdeg ah ka gaaraan, sidaas darteedna, isaga oo ka ilaalinaaya kala qaybsanaan hor leh oo soo foodsaarta umadda Soomaaliyeed iyo niyadjab ku yimaada Beesha Caalamka, in uu xeer madaxweyne ku ansixiyey heeshiiskii hannaanka doorashada, iyada oo aan loo baahan doonin ansixinta baarlamaanka.

Arintaan ayaa maalmihii u danbeeyey ka aloosnayd magaalada Muqdisho, iyada oo Puntland iyo Jubbaland ay diideen in wax ka beddel cusub lagu sameeyo heshiisyadii la gaaray, halka qaar ka mid ah baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dawladdu soo jeediyeen in xubno dheeri ah aqalka sare loogu daro gobolka Banaadir.

Go’aankaan uu Madaxweyne Xassan qaatay ayaa u muuqda cadaadis kaga yimi Beesha Caalamka, lama se oga jawaabta iyo tallabada ay ka bixin doonaan xubnihii baarlamaanka ee heshiiskaan diiddanaa.


Puntland Post

1 comment

  1. Runtii kalajabi! Soomali uma fiicna laakiin banaadir xaqeeda lama duud siinkaro gobola aan dhamayn tirada madiino inay xaqeena nad\d siyaan hadana jeebkeena cashuurta iyo dhiigeena laisticmaalo mayeeli karno dhulkaana dadbadanaa nooga maqan oo culumo iyo caama leh xasan sheeq soo seexis waaye wallaahi tii hore kadaraysaa ee intay gooroli goor tahay hala xaliyo caalamka maa soomali xukumo ayaga soo maaha shalay dafka dabka huriyey
    Ee intii reer banaadir ay samri kareen waa samreen ee xaqooda hala siiyo hadiikale mid lays wee diiyo aa imaanayso asc

Leave a Reply