Jubaland oo ka digtay wax ka bedel lagu sameeyo hanaankii doorasho ee lagu heshiiyay

Kismaayo-(Puntland post) Dowlad gobbolleedka jubbaland ayaa war saxaafadeed uu soo saaray kaga digay in wax laga badalo heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo masuulyiinta Maamul Gobbolleedyada.

Dowlad gobbolleedka Jubbaland ayaa xukumadda federaalaka Soomaaliya ku eedeeysay in ay mowdhuuca saldhigista maqaamka gobolka Banaadir iyo magaalada Muqdisho ay ku lifaaqday heshiiskii hore iyadoo kaashanaysa awooda baarlaamanka taaso keenaysa ballan ka bax ay dhibaato kale ka imaan karto.

Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa usaaray guddi turxaan bixin ah oo dib u eegis ku sameeya heshiiskaas iyagoo markii dambe ku soo daray in Gobolka Banaadir awood ballaaran laga siiyo labada gole ee baarlamaanka taaso ahayd wax aanan ku jirin heshiiskii hore ay uwada gaareen madaxa dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada.

Dhanka kale waxaa shalay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey booqasho aan caadi ahayn ku yimid magaalada Muqdisho oo kulamo la qaatay madaxda dalka iyagoo sidoo kale baaq udiray Baarlamaanka Federaalka inay meel mariyaan heshiiskii hore.

Ugu dambeyntii Dowlad gobbolleedka Jubaland ayaa war saxaafadeedkeedi ku gabagabaysay in aasnu masuul ka ahayn waxa walba oo ka imaada isbedel lagu sameeyo heshiiskii Muqdisho ka dhacay bishii April 2016.
ju2

j1

PUNTLAND POST