Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dalka Sucuudiga kulamo kula qaatay Madax Sare oo katirsan Boqortooyada Sucuudiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga  Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ay waxaa uu halkaasi kula kulmay madax sare oo ka tirsan boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya Waddanka Sucuudiga.

Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha ayaa daarran sidii loo xoojin lahaa xiriirka dawladda Puntland iyo Dawladda Sucuudiga, dardar gelinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac iyo iskaashiga nabad-gelyada guud maadaama dawladda sucuudigu ay dagaal dabo dheeraaday kula jirto kooxaha xuutiyiinta shiicada ee dalka Yemen isla markaan ay Puntland iyo Yemen wadaagaan xuduud badeed aad u ballaadhan, ayna suuragal tahay in kooxahaasi ay kasoo tallaabaan xadka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo kula qaatay barayaasha Soomaalida ah wax kadhiga Jaamacadaha Dalkaasi Sucuudiga waxaana uu ku boorriyey in ay ka qayb qaataan horumarka ka soconaya dalka Soomaaliya guud ahaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan horumarinta iyo tayaynta Jaamacadaha dalka si dhallinyarada waxbarashada u doonanaysa waddamada dibadda ay dalkooda ugu negaadaan.

Xog-hayaha joogtada ah ee ururka Caalamiga ah ee dhallinyarada Islaamka (General Secretary World Assembly Muslim Youth)  Dr. Salah Al-wahabi ayuu Madaxweynuhu kala hadlay sidii ay Soomaaliya ugala shaqayn lahaayeen wacyigelinta dhallinyarada maskaxdooda la qalday, diinta Islaamkana sida qalloocan loo fahamsiiyey loona adeegsanayo bur-burinta qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa caasimadda Sucuudiga ee Riyaad kulan is xogwaraysi guud ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinka ugu dambeeyey ku noolaa waddamda carabta, waxayna kawada hadleen xaaladda guud ee Mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalwadda Puntland ayaa muddo kooban joogi doona waddanka sucuudiga, waxaana  uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi isla markaana waxa uu  kala hadli doonaa sidii dawladda sucuudigu ay Puntland uga fulin lahayd mashaariic horumarineed oo isugu jira Jidad, Garoomo diyaaradeed, Dekedo, Ceelal biyoodyo iyo Mashaariic kale.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

13045473_1056319054432496_575849215_n 13046162_1056316484432753_161723355_n 13059568_1056317184432683_867611996_n 13078240_1056318654432536_1138516118_o 13081705_1056317361099332_2114157937_n 13081817_1056315774432824_1976958983_n 13084083_1056316591099409_440742006_n 13084229_1056318907765844_1221776468_n 13084261_1056317414432660_511808181_n 13084265_1056317067766028_1910802530_n 13101179_1056318487765886_772689600_n