Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayey 56-sanno guuradii kasoo wareegtey aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12-April-2016-ka waxaa uu xarunta Wasaaradda Gaashaan dhigga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasab lagu xusayey 56-sanno guuradii kasoo wareegtey markii la’ aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku began 12-April-1960-kii.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaan dhigga Dawladda Federaalka Cabdul-qaadir  Shiikh Cali Diini, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Aadan Axmed Madaxweynayaasha Dawlad goboleedka Jubba-land iyo Maamullada ku meel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed iyo Galmudug iyo dhammaan saraakiisha ciidamada kala duwan ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Generaal Maxamed Aadan Axmed ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo, waxaana uu intaa sii raaciyey in ay qorshaynayaan inay sameeyaan isku dhaf si loo helo ciidan qaran oo looga kaaftoomo ciidanka Amisom ee Nabad-sugidda u jooga Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhinaciisa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana uu u rajeyey sannadka sannadkiisa in ilaahay nabad iyo horumar ku gaadhsiiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isku dhafka ciidanka Xoogga dalka  si loo helo ciidan qaran oo wata summadda Qaranka Soomaaliyeed oo soo celiya sumcaddii iyo karaamadii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed, dalkana ka sifeeya kooxaha sharwadayaasha ah ee diidan dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  isaguna hambalyo iyo bogaadin taa lamid ah hawada u mariyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa sheegay in ciidanku ay yihiin laf dhabarta dalka, dawladdiisuna ay ka shaqaynayso dhisidda iyo qalbaynta ciidanka,  sidoo kale ay diyaar u tahay in dawladda Federaalka iyo Dalwadaha xubnaha ka ahi  ay kawada shaqeeyaan isku dhafka ciidanka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_5486 IMG_5488 IMG_5491 IMG_5496 IMG_5504 IMG_5508 IMG_5509 IMG_5512 IMG_5514 IMG_5512 IMG_5514 IMG_5518 IMG_5521 IMG_5523 IMG_5526 IMG_5531 IMG_5535 IMG_5538 IMG_5544 IMG_5549 IMG_5553 IMG_5557 IMG_5560 IMG_5562 IMG_5564 IMG_5565 IMG_5567 IMG_5573 IMG_5575 IMG_5576 IMG_5581 IMG_5586 IMG_5590 IMG_5591 IMG_5609 IMG_5617 IMG_5632 IMG_5637 IMG_5639 IMG_5649 IMG_5655 IMG_5669 IMG_5670 IMG_5681 IMG_5694 IMG_5697 IMG_5701 IMG_5711 IMG_5717 IMG_5742 IMG_5749 IMG_5756 IMG_5768 IMG_5778 IMG_5783 IMG_5814 IMG_5819 IMG_5821 IMG_5831