Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Dekedda Boosaaso iyo Xarumo kale Dawladeed

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta 30-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey Dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Puntland, taas oo dhowaan la ballaadhin doono si’ay ula tar-tanto Dekedaha Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha-indheeyey xafiisyada waax-yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaaliyaddu ay kuleedahay gudaha Dekedda Boosaaso si’uu si dhow ugu ogaado qaababka kala duwan ee ay bulshada ugu adeegaan xafiisyadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo  kale soo kormeeray Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda halkaas oo warbixino kaga dhegeystey Wasiiru-dawlaha wasaaradda iyo Wasiir-kuxigeenka wasaaradda kallumaysiga iyo khayraadka badda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kormeerkiisa ku tegey Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la-dagaallanka Burcad badeedka, waxaana uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, isagoona idhihiisa kusoo arkay qalabkii lagu dhisilahaa Dekedda oo  qayb ka-mid ah dhowaan lakeenay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii soo indha-indheeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyadoo uu warbixin  kaga dhegeystey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dhammaan Wasaaradihii uu soo kormeeray kula dar-daarmay in ay dar-dar geliyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan si’ay qayb uga ahaadaan isbeddeelkii maamul wanaag ee uu hore u ballaan qaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland.

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.
IMG_1404 IMG_1410 IMG_1414 IMG_1416 IMG_1418 IMG_1420 IMG_1427 IMG_1428 IMG_1429 IMG_1431 IMG_1433 IMG_1435 IMG_1436 IMG_1442 IMG_1444 IMG_1447 IMG_1449 IMG_1452 IMG_1456 IMG_1458 IMG_1460 IMG_1467 IMG_1468 IMG_1472 IMG_1474 IMG_1476 IMG_1478 IMG_1480 IMG_1482 IMG_1484 IMG_1486