Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Bosaso lagu soo dhoweeyey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii Ballaarnaa ee uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb gelay shirkii Madasha wadatashiga qaran ayaan maanta 28-Jan-2016 si’aan loo kala harin loogu dhoweeyey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa magaalada Boosaaso siweyn ugu soo dhoweeyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland,  Wasiiro, Xidhibaano, Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso  iyo boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo lulayey calanka Puntland kuna labisnaa astaanta hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar laga tolay calanka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa markii uu kasoo degey Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda Puntland kadibna waxaa uu mid-mid u gacan qaaday kumannaankii dadweynaha ahaa ee garoonka u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo waftigiisa.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu warfidiyeenada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso, isagoona ugu horayn uga mahadceliyey boqollaalkii qof ee sida weyn ugu soo dhoweyey magaalad Boosaaso, kuwaas oo muujinayey taageerada ay u hayaan dawladdooda iyo Madaxdooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ka war-bixiyey waxyaabihii ay kala kulmeen  shirarkii ay kaga qayb galeen magaalada Muqdisho iyo mawqifka Puntland ka istaagtey go’aankii ay gaadhey dawladda federaalka soomaaliya ee la-xiriirey geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirkii wadatashigu uu  noqon waayo mid mira-dhal ah ay sababtiisa lahayd dawladda federaalku maadaama oo ay madashii keentay wax baal marsan xal u raadintii geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay geeyeen madashii shirka aragtidii shacabka Puntland ee ku saabsanayd helitaanka dawladnimo soomaaliyeed oo ku timaadda metelaad shacbi oo dhab ah.

Madaxweynaha  ayaa waxa uu xusay go’aanka Puntland ee ah in aanay Puntland aqbalayn wax aan u cuntamayn shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba, isla markaana ay taladii u soo celiyeen shacabka Puntland si’ay go’aan uga gaadhaan aaya ka-talinta masiirkooda.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_0954 IMG_0784 IMG_0815 IMG_0816 IMG_0819 IMG_0825 IMG_0827 IMG_0831 IMG_0833 IMG_0836 IMG_0837 IMG_0842 IMG_0850 IMG_0858 IMG_0866 IMG_0869 IMG_0876 IMG_0878 IMG_0883 IMG_0888 IMG_0895 IMG_0908 IMG_0917 IMG_0918 IMG_0926 IMG_0929 IMG_0934 IMG_0939 IMG_0940 IMG_0942 IMG_0951 IMG_0954 IMG_0955 IMG_0959 IMG_0972 IMG_0973 IMG_0982 IMG_1004 IMG_1006 IMG_1019