Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya oo kulmay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii la socdey  ayaa Maanta 27-Jan-2016-ka ku qaabilay Xarunta Villa Hargaysa  ee Madaxtooyada Soomaaliya Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating  iyo kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo Wakiilka xog-haya guud ee qarammada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kulankooda waxyaabihii ay  uga wada hadleen waxaa kamid ahaa  shirka Madasha  wadatashiga qaran iyo sidii laysugu soo dhoweyn lahaa aragtiyaha kala duwan ee madaxda soomaalida ee ku saabsan nooca doorasho ee la doonayo dalka in ay ka qabsoonto.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Michael  Keating  u sheegay aragtida shacabka Puntland ee ku qotonta qaabka loosoo xulayo baarlamaanka dalka taas oo ah qaab Deegaan, si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah  iyadoo aan  la hilmaamayn xuquuqda haweenka iyo  dadka laga tirada badan yahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay wakiilka Xog-haya guud in Puntland ay marwalba u heellan tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  iyo Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay in doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka ay waqtigooda ku qabsoomaan isla markaana Puntland aanay  aqbali doonin wax muddo kororsi ah.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_0653 IMG_0664 IMG_0666 IMG_0670