Madaxda Dawladda Puntland oo si weyn Boosaaso ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa galabta 07-Jan-2016 waxay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha  ee Boosaaso kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf waxay ka qaateen Cutubyo katirsan ciidanka Police-ka Puntland, iyadoo intaasi kadib ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Qaybta Nasashada Garoonka ee VIP-da.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya safarka uu ku yimi magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Bari isagoona intaasi raaciyey in socdaalka Madaxweynuhu ku qotomo kaqaybgalka furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kaas oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka ahi uu Boosaaso sii joogi doono dhowr maalmood oo dambe isla markaasna uu kaqayb geli doono xafladda Sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey xilligii uu talada Puntlad lawareegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumaddiisu.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahaceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Golayaasha Dawladdiisa iyo Shacabka Puntand ee sida  weyn ugu soo dhoweeyey  magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaatinkisa magaalada Boosaaso isagoona xusay in uu sii joogi doono muddo dhowr maalmood ah, waxa uu sidoo kale xusay Puntland inay ay marayso xilligii horumarka taasina ay tahay mid soomaali oo dhan guul u ah.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

 

IMG_5182 IMG_5186 IMG_5188 IMG_5192 IMG_5200 IMG_5207 IMG_5214 IMG_5216 IMG_5221 IMG_5231 IMG_5236 IMG_5243 IMG_5245 IMG_5255 IMG_5267 IMG_5278 IMG_5284 IMG_5288 IMG_5291 IMG_5299 IMG_5332 IMG_5379 IMG_5383 IMG_5386 IMG_5388 IMG_5391 IMG_5415 IMG_5419 IMG_5422 IMG_5428 IMG_5430 IMG_5436 IMG_5439 IMG_5450 IMG_5455 IMG_5463 IMG_5473 IMG_5483 IMG_5486 IMG_5494 IMG_5497 IMG_5502 IMG_5503 IMG_5505 IMG_5507 IMG_5509 IMG_5516 IMG_5542 IMG_5595 IMG_5606 IMG_5623 IMG_5641