Warbaahinta Puntland Post ayaa qaaday codbixin ay akhristayaasheeda ku weydiinaysay sida ay u arkaan wax qabadkii hay’adaha dowladda Puntland sanadkii 2015. Codbixintaan oo lagu qaaday dhinaca Internet-ka ayey dadku kala dooranayeen 3-da halbeeg ee kala ah
1 – Wax qabadkoodu waa fiicnaa
2 – Wax qabadkoodu ma xumayn
3 – Wax qabadkoodu waa liitay
Waxaa codeeyey 429 qof, waxayna natiijadii soo baxday noqotay sidan:
Wax qabadkoodu waa fiicnaa: waxaa u codeeyey 153 qof oo u dhiganta 35.66%
Wax qabadkoodu ma xumayn: waxaa u codeeyey 137 qof oo u dhiganta 31.93%
Wax qabadkoodu waa liitay: waxaa u codeeyey 139 qof oo u dhiganta 32.4%
Natiijadan waxa ay tusaysaa in dadka dowladda waxqabadkeeda ku faraxsan ama u arka mid macquul ah ay isu geyntoodu gaarayso 67.59%.
Dadka aad u dhaliishanna ay yihiin 32.4%
Waxaa jira dad badan oo e-mail-lo noo soo diray, ama dhinaca facebook-ga fikrado ka dhiibtay. Dadkaas waan ka xunahay in aan codkooda tirin.
Iyadoo aan horay u sheegnay in codka lagu dhiiban karo system-ka aan u soo bandhignay keliya.
