Dad soomaaliyeed oo shaqadii looga eryay tukashada salaadda

USA-(Puntland post)-190 qof oo Muslimiina una badan Soomaali aya laga eryay shaqadii ay ka qaban jireen shirka ku taalla gobolka Collorado ee dalka Maraykanka,markii ay isku qilaafeed cabasho ay ka muujiyeen cadaadis ka soo fuulay dhanka cibaadeysiga.

Koox u doodda xuquuqda dadka muslimiinta ayaa Khamiistii shalay ahayd sheegtay in muslimiintan laga ceyriyay Shirkadda CARGIL ee hilibka sajalisa ama xir-xirta, taasoo ay u dheer tahay faqooq iyo takoor lagu sameeyay Diintooda.

Afhayeen u hadlay Golaha Xiriirka Muslimiinta ee loo soo gaabiyo CAIR oo lagu magacaabo Jeylaani Xuseen ayaa sheegay in kooxdan shaqaalaha ah ay la kulmeen xanibaad ku aadan gudashada waajibaadkooda Alle, taasoo in muddo ah socotay, waxaana laga hor-istaagay inay salaad dukadaan xilliyada shaqada ku jiraan

“Dhamaan shaqaalaha waxay ahaayeen kuwo aad ugu wanaagsan gudashada waajibaadka Alle, mana jirin wax kale, xanibaada la saarayay muddo aad u dheer ayay soo socotay”ayuu yiri Jeylaani Xuseen.

Mr Jeylaani ayaa sheegay in muranka arrintan ka dhashay uu ka dambeeyay markii is bedel lagu sameeyay dhanka shaqada oo ay soo rogeen Maamulka Shirkadda ee Cargil oo ku aadan goobta shaqada iyo dukashada salaada

Sidoo kale Saraal u hadlay Xafiiska Shirkada Cargil oo lagu magacaabo Mike Martin ayaa sheegay in murankan uu yimid markii wax laga bedelay shuruucda shirkadda oo aan wax is bedel lagu sameyn illaa sanadkii 2009-kii.

“Cargill waxaa ay sameysaa isku day xili kasta ah kaas oo fursado siinaya dadka diintooda si looga fogaado is maandhaaf isla markaana ganacsiga soo saarsita hiilbka shirkadda aan dhibaato ku keeneynin”ayuu yiri Mr Mike Martin.

Waxaa uu sheegay in sharciyada shirkadan ay yihiin kuwo dabacsan, isla markaana shaqaalaha u ogolaanaya inay salaadooda dukadaan, taasoo ku xiran qeybaha ay ka howl galaan oo la xiriira shaqo maalmeedka shirkadda sida uu yiri.

Mr Martin ayaa sheegay in ku dhowaad 200 shaqaale ay ka maqnaayeen shaqadooda, isla markaana aysan ku soo wargelin maamulka shirkadda.

Maamulaha shirkadda ayaa la kulmay qaar kamid ah shaqaalaha Soomaalida iyo madaxda ururka shaqaalah kuwaas oo matalaya ku dhowaad 2,000 saacadood shaqaalaha shaqeeya hase yeeshee waa ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan muranka soo kala dhexgalay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Cargil.

Cumar Jamaal oo ah agaasimaha fulinta gudiga xuquuqul insaanka Soomaalida, ayaa sheegay in maamuliyaasha Cargill aysan fahmin waqtiyada dadka muslimiinta ah ay u baahan yihiin in ay gutaan waajibaadkooda inta lagu guda jiro shaqada.

Jamaal ayaa sidoo kale sheegay in ururkiisa uu xiriir la sameeyay shirkadda Cargil hadii shaqaalaha Soomaalida ay shaqadooda dib u heli karaan.

“Waxaan ku rajo weynahay, in ay jiri karaan sharciyo cad cad oo u taagan qof kasta in uu xalin karo dhibaatada heysata” ayuu mar kale yiri.

Website ay leedahay shirkadda Cargill ee qabbilsan hilibka ayaa sheegay inay u shaqeeyaan shirkaddaasi 155,000 oo qof,kuwaasoo ka hawl gala 68 waddan oo ay xarumo ku leedahay,iyadoo xaruntanteeda weyna ay ku taalla gobolka Collorado ee dalka Maraykanka.