Madaxweynaha Puntland: “Xafiiskeygu tusaale ayuu u noqon doonaa shaqaalaha la qaadanayo”

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Jaamacadda Bariga Afrika kaga qaybqalay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey arday ka kala tirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU kuwaas oo dhammaysatay aqoonta maamulka iyo maaliyadda oo dhammaantood ka tirsan shaqaalaha dawladda Puntland.

Barnaamijkan ardayda lagu barayo maamulka iyo maamliyadda ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Bariga Afrika, Jaamacadda PSU, Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Bangiga Adduunka, waxana uu salka ku hayey ballanqaadkii madaxweynaha ee ahaa tayeynta iyo dib u-habaynta shaqaalaha dawladda.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku tilmaamay barnaamijkaan in uu qayb ka yahay isbeddelkii lagu samayn lahaa shaqada iyo shaqaalaha maadaama maanta maaliyaddi ama dhaqaalihi uu yahay midka tayaynta lagu sameyey.

Madaxweynaha ayaa xusay ujeeddada uu ka leeyahay tayeynta iyo isbeddelka lagu sameynayo shaqada iyo shaqaalaha oo ka mid ahaa ballanqaadyadii uu hore u galay madaxweynuhu in ay sal u ahaayeen labo arrimood.

“Labo waxyaabood ayaa asaas u ahaa barnaamijkan: mid waxa weeyaan shaqaalihii saxda ahaa in uu joogo meeshii saxda ahayd, tan kalena waxaa weeye in shaqalaaha qofkii loo baahan yahayna uu joogo kii aan loo baahnayn oo booska uu joogo aan ku haboonaynnina uu baneeyo si kan shaqaynayaa uu xuquuqdiisa u helo.” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay shaqaale cusub oo ay qaadanayso dawladda Puntland waxana uu caddeeyey shaqooyinkaa in loo geli doono tartan furan oo caddaalad ku dhisan.

“Hadda shaqooyin ayaa la soo dhejiyey 60-kii qof ee ugu horeeyey baana la soo dhejiyey. Waxaan idiin sheegayaa 60-kaas qof in ay tartan furan oo caddaalad ah ku helayaan shaqooyinkaas, waxaa ku jira kuwo aniga xafiiskayga loo qaadanayo, xafiiskayguna tusaale ayuu u noqon doonaa dadka la qaadanayo, si guudna waan idiinku sheegayaaye qof aniga codsi iigu imaan karaa ma jiro hadeerba ogaada sababtoo ah aniga waxa wax i tari karaa waxa weeye qofkii saxda ahaa ee taga meeshii saxda ahayd.”

Halkaan ka dhegeyso khudbaddii madaxweynaha oo dhammeystiran.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa intaasi ka dib ardayda guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino loogu talo galay iyada oo ay ardayda qalin jebisey ka mid ahaayeen sadexdii qof ee Soomaaliya ugu sarreeyey aqoonta maamulka iyo maaliyadda, sida oo kale maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda dawladda Puntland.


Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland


IMG_1755
IMG_1756
IMG_1768
IMG_1769
IMG_1772
IMG_1773
IMG_1775
IMG_1779
IMG_1781
IMG_1783
IMG_1785
IMG_1787
IMG_1789
IMG_1791
IMG_1793
IMG_1795
IMG_1797
IMG_1803
IMG_1808
IMG_1811
IMG_1813
IMG_1816
IMG_1817
IMG_1818
IMG_1827
IMG_1828
IMG_1830
IMG_1838
IMG_1840
IMG_1843
IMG_1844
IMG_1848
IMG_1854
IMG_1857
IMG_1862
IMG_1864
IMG_1869
IMG_1875
IMG_1887
IMG_1896
IMG_1900
IMG_1907
IMG_1914
IMG_1919
IMG_1929
IMG_1934
IMG_1940
IMG_1947
IMG_1956
IMG_1968
IMG_1978
IMG_1989
IMG_2003