Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo kulan la qaatay Beelo dagaalamay

Garowe-(PP)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2015 Waxaa Soo Gaaray Magaala Qardho Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland, waxaana ujeedka safarkoodu yahay Xalinta Khilaafaad u dhexeeya Labada Beelood Ee Walaalaha ah ee Dubays iyo C/raxiim Ibraahim.

Xildhibaanada ayaa gaaray deegaano ka tirsan Hayland iyo magaalo madaxda Kar kaar ee Qardho oo beelahu ku dagaalameen,waxayna Odayaasha labada beelood iyo meelaha ay tagaan kala hadleen sidii loo joojin lahaa colaada,islamarkaana laga wada hadlo waxkasta oo abuuri kara colaad.

Waxay U sheegeen xildhibaanaddu in ay u sii gudbi doonaan Deegaamada tuulooyinka iyo baadiyaha Labada Beelood degaan si ay uga Bilaabaan Wacyi gelin ku aadan xoojinta Nabadaynta Si Loo wacyi geliyo Dad weynaha Labada Beelood, Arrintaas oo ay Aad u soo Dhoweyeen dadkii ka soo qaybgalay Kulankaas. Waxayna u sheegeen masuuliyiinta odayaasha beeshu Beesha C/raxiim Ibraahim inay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabada labada beelood.

Puntlandpost.com.