Garowe-(Puntland Post)-Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha bulshada Puntland ayaa maanta Tababar uqabatay qaarkamid ah shaqaalaha Madaxtooyada,Tababarka ayaa kusaabsan sidii Rag iyo dumar ugu sinaan lahaayeen shaqooyinka.
Tababarka ayaa socon doono mudo labo bari ah waxaana furitaankii maanta ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda waxay la tababarayaasha u sheegen inay ka faa’iidaystaan casharada ay qaadan doonaan.
Agaasimaah waaxda iyo Xuquuqul insiinka Maxamuud Cali Nuur ayaa sheegay in Barnaamijkan uu isugu jiro tababar iyo qalab lasiinayo cida ay udoortaan inay madaxtooyada kala shaqayso sidii looga hortagi lahaa shaqaaqooyinka Haweenka, islamarkaana ay shaqadu noqoto mid loo siman yahay.
Cabdirisaaq Nuux Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in tababarkaan muhiimadiisu tahay sidii dadka loo fahan silahaa inan loo kala sokayn shaqada wiil iyo gabarba,isagoo xusay inay wasaaradaha dhamaantood sidaan oo kale looga qabtay tababarkan,maanta ay uqabteen madaxtooyada.
Wasiirka ku xigeenka Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi oo soo xirtay munaasabada lagu furayey Tababarka ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii looga guuri lahaa in cid gaara muhiimada la siiyo,waxayna ku boorisay shaqaalaha tababarka loo furay in wixii ay qaataan ay madaxtooyada ka fuliyaan.
Waa markii ugu horaysay oo shaqaalaha Madaxtooyada Puntland ay tababar u qabato wasaaradda Haweenku,wuxuuna Tababarkaan kusoo aaday xili dhawaan deegaanada Puntland laga qabtay barnaamij loogu magac daray 16ka maalmood ee ka hortaga shaqooyinka Dumarka.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.