Garowe -(Puntland Post)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta ka qayb galay dhagax dhigii Garoonka Garowe oo maanta la dhagax dhigay.
Farole oo munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa ka sheekeyey xiligay soo bilaabeen mashruucyada lagu dhisayo Garoomada Garowe iyo Bosaso, waxaa uuna tilmaamay in xiligii dowladdii Siyaad Bare ay soo bilaabatay.
Waxaa uu sheegay in dowladdii dhexe markii ay dhacday ay maamulkii soo maray Puntland ay garteen inay sii wadaan dhismaha Garoomada, Farole ayaa sheegay in dowladdiisii ay dhamaystirtay Garoonka maanta la rabo in la casriyeeyo oo dhismihiisa laga dhigo Garoon Caalami ah.
Diyaaradii ugu horaysay Garoonka Garowe waxay ka soo degtay sanadkii 2010-kii, waxaa uu Dr. Farole sheegay in 3 bishii decembar 2010 ay dowalddii Kuwait geeyeen qoraal ay ku cadaayeen dhismaha Garoomada Garowe, Bosaso iyo Jaamacadda Maakhir ee gobolka Sanaag.
Halkan ka Dhagayso Codka Farole oo dhamaystiran.
Puntlandpost.com.