Xaaji Maxamed Yaasiin oo sheegay inuu yahay murashax madaxwayne 2016

Jabuuti(pp) Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya doorashada 2016 lagu wado inay qabsoonto.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu SBC kula hadlayay magalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, wuxuna dhinaca kale uu sheegay inay muhiim tahay in faah faahin laga bixiyo erayga Hiigsiga kaasoo uu sheegay inay hadal haynteeda badatay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Siyaasi Ismaaciil ayaa sheegay inuu u fahan san yahay hiigsiga wax saamayn leh oo la tiigsanayo, wuxuna tiro labo jeer isku soo taagay xilka madaxwaynaha 2004 iyo 2012.

Xaajig Maxamed Yaasiin ayaa ka mid ah ganacsatadda Soomaaliyeed ee wadanka Keyna, wuxuna inta badan dowladda ku dhaliilaa inaysan wax badan ka qaban balan-qaadkeeda ayna muhiim tahay in shacabka si sax ah loogu addeego.

Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar salka ku haya doorashada Soomaaliya ee 2016, waxayna mamuladda dalka iyo DFS isku raaceen doorashada in lagu wajaho hab deegaan iyo nidaamka 4.5.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com