Saameyn intee leeg ayay ku reebtey Puntland duufaantii CHAPALA iyo MEGH?

IMG_0113Bosaso(pp) Duufaanadii ku dhuftay qaybo ka mid ah Gobalka Gardufuu Puntland bishii hore bilowgeeda (11-aad) ee la magac baxay Chapala iyo Megh ayaa saamayn kala duwan kasoo gaartay qoysasy ka badan 3-kun deegaan,beero, xoolo iyo guryo.

Hay’adda Hado ayaa qiimayn kusoo samaysey beelaha ay duufaantu waxyeelada gaarsiisay kuwaasoo soo aruuriyay khasaaraha iyo deegaanadda ay gaartay.

Barnaamijkan gaarka ah ayaa ka hadlaya xaalada deegaano badan oo ka tirsan Gobalka isla markasna khasaaro kala duwani duufaantu kaga tagtay taasoo u baahan hadda in wax laga qabto.

Ku dhowaad toban kun oo neef iyo sideed kun oo geed ayaa ka mid ah khasaaraha duufaanta sidoo kale waddooyin muhiim ah ayaa go’an, qaarkood waddooyinkaasi ayaa weli waxba laga qaban.

Duufaanta oo socotay mudo todobaad ah ayaa sababtay inay kor u kacaan sicirka maciishada, kor u kacaasina wuxuu noqday mid aysan xaamili karin qoysaska qaarkood.

Odayaasha iyo shacabka meelaha ay saamayntu gaartay ayaa ka waramay siday xaaladu tahay, waxa kale ay sheegeen inaysan jirin wax ka jawaabay baaqyo badan oo dowladda loo diray.

Siciid Yuusuf Diiriye, Gudoomiyaha gollaha deegaanka degmada Bareeda ayaa dhankiisa ka waramay duufaanta iyo khasaaraha ay geystaan, duufaanta ayuu sheegay inay dhaawac gaarsiisay qaar ka mid ah guryihii shacabka loogu addeegi jiray.

Hoos ka daawo barnaamij SBC TV ka diyaarisay deegaanada ay duufaanuhu saameeyeen ee gobalka Gardufuu.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com