Tigey oo codsaday in dhalinyarada la baro wadaniyada iyo dalkooda

12316462_889171194511957_7763617617961087103_nBosaso(pp) Gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo marti ku ahaa barnaamij ka baxa telefeshinka SBC xaruntiisa magalada Bosaso ayaa kaga hadlay arrimo badan oo salka ku haya nabadda, dowladdnimada, noolashaha Soomaalida iyo wadaniyada qofka.

Tigey ayaa sheegay inay muhiim tahay in ardayda lagu baro goobaha waxbarashada ahmiyada ay lee dahay wadaniyada iyo xaqa uu kugu lee yahay dalkaaga.

Masuulkan ayaa caan ku ah inuu boggaga bulshada gaar ahaan Facebook soo galiyo sawiro ka hadlaya beeraha, baddaha iyo wax soo saarka dalka, mar uu la hadlayay Puntland Post ayuu sheegay inay tahay in dadka la xasuusiyo dhulkooda khayraadka iyo wanaaga yaala ayna muhiim tahay in laga faa’iidaysto oo laga waan taabo dalalka shisheeya ee loo hayaamayo.

Sidoo kale dhaqanka, deeqsinimada iyo geesinimada Soomaalida ayuu inta badan soo bandhigaa isagoo u addeegsanaya hab qoraal iyo sawirro.

Waxaa jiray qurba joog faro badan oo dalka dib ugu soo laabtay kuwaasoo aad ugu boggaadiyay Tigey farriimaha wanaagsan ee uu dalka ka gudbiyo xagga wax soo saarka.

Sidoo kale waraysigan laga qaaday inta hore wuxuu kaga hadlayaa xaalada Gaalkacyo iyo sida nabadda looga wada shaqayn karo, waxaa la yeeshay Maxamed Deeq Cabdalle oo ah Agaasimaha SBC TV.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso