Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xabsi laga dhisayo Buuhoodle

555Buuhoodle(pp) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta dhagax dhigay xabsi laga dhisayo magalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.

Camay ayaa sheegay maxaabiista Gobalka Cayn in loo qaadi jiray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe isla markasna arrintaasi laga maarmi doono oo xabsi looga dhisayo magalada taasoo qayb ka ah dadaalada dowladdu ka wado Cayn.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah goobaha waxbarashda degmada Buuhoodle iyo xarumaha dowladda, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay howlaha kala duwan ee ka socda magalada.

Laamiga laga hirgalinayo Buuhoodle ayaa ka mid ahaa meelihii uu Camay iyo wafdiga la socday booqdeen, wuxuna sheegay inay mar kasta ka go’an tahay sidii waxqabad muuqda looga hirgalin lahaa Gobalka Cayn ee Puntland.

Camay ayaa markii hore u tagay Buuhoodle dhimashada hooyadiisa oo ku geeriyootey wadanka dibadiisa.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com